Ugu yaraan laba kooxood oo waa weyn ayaa ku dagaalamaya saxiixa garabka Ingiriiska ah, Jadon Sancho, kaasoo la filayo inuu ka tago Manchester United xagaagan.
Sida ay warinayso Sky Sports, kooxaha Juventus iyo Napoli ayaa muujiyay xiisahooda ku aaddan laacibka reer England.
Kooxda Juventus – oo loo yaqaan Bianconeri – ayaa durba wada-hadallo la billowday Manchester United saacadihii la soo dhaafay si ay uga heshiiyaan suurtogalnimada heshiis.
Dhanka kale, Napoli ayaa iyana xiiseyneysa Sancho, balse farqiga jira ayaa ah in kooxda reer Napoli ay si toos ah ula xiriireen wakiillada ciyaaryahanka, halkii ay si rasmi ah ula fariisan lahaayeen Manchester United.
Jadon Sancho, oo 25 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ku joogay Chelsea, hase yeeshee kooxda Blues ma aysan dooran inay heshiiskiisa ka dhigto mid rasmi ah.
Sancho ayaa haatan ku laabtay kooxda Manchester United, balse lama oga in tababaraha cusub ee Ruben Amorim uu ku darayo qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub. Go’aanka kama dambaysta ah ee Sancho uu ku dooranayo kooxdiisa cusub ayaa la filayaa maalmaha soo socda.