Laacibkaan Ayuu Modric Ku Tilmaamay Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Kubadda Cagta Xilli Ciyaareedkan!

Halyeeyga Real Madrid, Luka Modric, ayaa ku tilmaamay xiddiga Paris Saint-Germain ee Vitinha inuu yahay khadka dhexe ee ugu fiican kubadda cagta waqtigan.

Modric ayaa sheegay inuu si gaar ah u jecel yahay Vitinha sababtoo ah waa ciyaaryahan nidaamiya ciyaarta, wuxuuna si weyn ugu ammaanay saameynta uu ku leeyahay garoonka.

“Vitinha waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican, haddii uusanba ahayn kan ugu fiican. Maalin dhaweyd markii uu beddel kusoo galay waqtigii nasashada, wuxuu mar kale ciyaarta u rogay si weyn,” ayuu yiri Modric oo la hadlayey Madrid Xtra.

“Waxaan aaminsanahay inuu xilli ciyaareed cajiib ah qaatay. Waa ciyaaryahan ka dhigaya kooxda mid si fiican u ciyaarta. Aad baan u jeclahay sida uu u ciyaaro. Waa qabanqaabiye ciyaareed, wuxuuna muhiim u yahay kooxdiisa.”

“Wuxuu taas ku muujiyay Champions League iyo sidoo kale xulka qaranka. Aniga ahaan, wuxuu ahaa khadka dhexe ee ugu fiican xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Aad ayuu u fiican yahay marka uu kubadda hayo,” ayuu Modric sii raaciyay.

Vitinha ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Paris Saint-Germain isagoo la qaaday saddex koob: UEFA Champions League, Coupe de France iyo horyaalka Ligue 1.

Sidoo kale, 25-jirkan reer Portugal ayaa xulkiisa Axaddii la qaaday koobka UEFA Nations League kaddib markii xulkiisu 5-3 rigooreyaal uga adkaaday Spain, ciyaartii kama dambeyska ahayd oo 2-2 ku dhammaatay waqtigii dheeraadka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football