La Xaqiijiyay: Inter Iyo Man City Oo La Reebay Halka Chelsea Ay Ku Aaday Fluminese Tartanka Koobka Adduunka Ee Kooxaha

Chelsea waxay wajihi doontaa kooxda Palmeiras wareegga afar-dhamaadka Koobka Adduunka ee Naadiyada, kaddib markii ay ka adkaadeen Benfica wareegga 16-ka.

Kooxda Inter Milan waxaa ka badisay Fluminense, halka Manchester City laga adkaaday ciyaartii ay la yeesheen Al Hilal – labadaas guuldarro waxay noqdeen layaab weyn.

Chelsea waxay la ciyaari doontaa kooxda guusha ka gaarta ciyaarta u dhaxeysa Fluminense iyo Al Hilal si ay u helaan fursad ay ugu gudbaan finalka, haddii ay ka adkaadaan Palmeiras.

Haddii Chelsea u gudubto finalka, waxay heli doonaan hal bil iyo saddex maalmood oo ay ku nastaan oo ay isugu diyaariyaan bilowga xilli ciyaareedka 2025/26 ee Premier League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football