LA OGAADAY: Shan Jeer Oo Chelsea Ay Ku Fashilantay Inay Heshiis Cusub Ka Saxeexo Eden Hazard

Chelsea ayaa la sheegay inay isku dayday inay heshiis cusub ka saxeexato xiddigeeda reer Belgium ee Eden Hazard, hase yeeshee ay dhamaantoodba ku fashilantay kaddib markii uu laacibkani diiday inuu ogolaado.

Hazard oo laba sannadood uga hadhsan yihiin qandaraaska uu kula jiro Blues, ayaa waxa uu ka warwareegayaa inuu kordhiyo heshiiskiisa dhamaadka ku dhow, waxaana uu toddobaadkan si badheedh ah u sheegay inuu weli ku riyoonayo inuu ka ciyaaro Real Madrid oo ahayd naadigii illaa carruurnimadiisa uu doonayey inuu mar uun u safto.

Wararka laga helayo Blues, ayaa waxay sheegayaan in laacibkan 27 jirka ah aanu doonaynin inuu ku qasbo Chelsea inay iibiso amaba uu kaga baxo sidii Thibaut Courtois oo kale, hase yeeshee uu qaab kale laga wada raali yahay uu ku baxo.

Warku wuxuu sheegayy in tiraba shan jeer ay Blues isku dayday inay ku qanciso Hazard inuu kordhiyo heshiiskiisa oo dhamaanaya xagaaga sannadka 2020.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa ay wararku sheegayaan inay bisha January u dhaqaaqi doonto sidii ay Chelsea uga soo qaadan lahayd Hazard, si ay uga baxdo dhibaatooyinka xili ciyaareedkan ay madaxa la gashay, hase yeeshee marka uu sannadkan dhamaado ayaa la ogaan doonaa in Los Blancos ay Chelsea kala xidhiidhi doonto iibka Hazard iyo in kale.

[irp posts=”162103" name=”Shaki La’aan Real Madrid Waa Riyada Eden Hazard – Halkan Kaga Boggo Afar Jeer Ee Uu Xiddiga Chelsea Qarsan Kari Waayay Jacaylka Uu U Qabo Ku Biirida Los Blancos.”]

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.