LA OGAADAY: Neymar Oo Lacag Ku Qaata Marka Uu U Sacbiyo Taageerayaasha PSG & Sir Laga Helay Qandaraaskiisa PSG

Faahfaahin dheeri ah ayaa laga helayaa qandaraaska uu Neymar kula joogo kooxda Paris Saint-Germain, waxaana lagu dhex arkay hal sharuud oo dad badan lama filaan ku noqotay.

Sida lagu sheegay barnaamij ka baxay France 2 oo ay soo xiganeyso jariirada Isbaanishka ee AS, Neymar ayaa lacag waali ah abaalmarin ahaan loogu siiyaa marka uu raaco tilmaamaha qaar.

Mid ka mid ah tilmaamahaas ayaa ah inuu u sacbiyo dhanka taageerayaasha Paris Saint-German ka dib kulan kasta.

Neymar ayaa ku qaata 375 kun euro inuu u sacbiyo taageerayaasha ka dib ciyaaraha.

Waxa ay u muuqataa mid ka badbadis ah in Neymar lacag lagu siiyo wax uu ciyaaryahan walba doonayo inuu si bilaash ah ku sameeyo.

Jariirada AS ayaase sheegeysa in PSG ay u sheegtay iyaga in Neymar uusan lacagta ku qaadanin kaliya inuu sacbiyo taageerayaasha PSG balse ay la socdaan sharuudo kale.

Sharuudahaas waxaa ka mid ah inuu waqtiga ilaaliyo, inuu ixtiraam u muujiyo joornaaliistayaasha inuusan qamaar ku dhigan tartamada ay PSG ku jirto, taasoo ah wax caadiyan laga doonayo ciyaaryahan walba.

Barnaamijka ka baxay France 2 waxaa sidoo kale lagu sheegay in Neymar uu lacag badan ku qaato inuusan dhaleeceynin xulashada tababarihiisa, iyadoo haddii uu sidaasi sameeyo sannadkii uu qaadanayo 2.5 milyan euro.

2 milyan euro ayuu sidoo kale helayaa haddii uu ka mid noqdo seddexda xiddig ee isagu soo harta abaalmarinta Ballon d’Or.