La Liga ayaa xaqiijiyay inay heleen warbixin ka dhan ah Barcelona oo uga timid kooxda Athletic Club, sida uu shaaciyay wargeyska Mundo Deportivo.
Warbixinta ayaa la xiriirta xaalada dhaqaale ee Barcelona iyo xeerka ciyaaraha xalaasha ah. La Liga ayaa uga jawaabtay Athletic Club inay horey ula socdeen xaaladda dhaqaale ee Barca, isla markaana taasi aysan ka hor istaageyn kooxda inay ciyaartooy cusub la saxiixato.
Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa sheegay in Barcelona aysan wali gaarin heerka 1:1 ee xeerka ciyaaraha xalaasha ah ee Spain, balse madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa arrintaas muran ka abuuray.
Si kastaba ha ahaatee, xeerka 1:1 wuxuu kaliya ka hor istaagi karaa Barcelona inay diiwaangeliso ciyaartooyda cusub, mana hor istaagayo saxiixa ciyaartoy cusub ama bixinta lacagta qandaraas burburinta, sida ay sameeyeen saxiixii Joan Garcia, iyo sida ay u qorsheynayaan inay ula dhaqmaan Nico Williams.
Kooxda Athletic Club ayaa isku dayaysa inay ka hortagto in Barcelona bixiso lacagta qandaraas burburinta ee Nico Williams, balse dadaalkooda wuxuu u muuqdaa mid aan waxtar lahayn.