La liga Oo Joan Garcia Ka Saaray Diiwaanka Xiddigaha Barcelona

Magaca goolhayaha cusub ee Barcelona, Joan Garcia, ayaa si kooban uga soo muuqday bogga rasmiga ah ee La Liga isagoo ah ciyaaryahan u diiwaangashan kooxda, balse qaladka si degdeg ah ayaa loo saxay. Goolhayaha 24 jirka ah, oo dhawaan ku soo biiray Barcelona, ayaa loo arkay inuu la diiwaangashan yahay Ter Stegen, Inaki Peña iyo ciyaartoyda kale ee kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Garcia kama muuqan qaybta rasmiga ah ee diiwaanka ciyaartoyda cusub, halkaas oo ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee la xaqiijiyay uu ahaa Musso oo ku biiray Atletico Madrid. La Liga ayaa sheegtay inay qaladka garatay daqiiqado kadib markii la baahiyay, iyadoo isla markiiba laga saaray magaca Garcia liiska ciyaartoyda Barcelona.

Dhacdadan ayaa timi saacado un kadib markii Joan Garcia si rasmi ah loogu soo bandhigay garoonka Camp Nou maalintii Jimcaha, halkaas oo uu saxiixay heshiis soconaya ilaa bisha Juun ee sanadka 2031. Goolhayihii hore ee Espanyol ayaa todobaadkan bartiisa Instagram ku macsalaameeyay taageerayaasha Espanyol isagoo uga mahadceliyay taageeradooda sanadihii uu kooxda u ciyaarayay.

Qaladkan ka dhacay bogga La Liga ayaa yimid xilli kooxaha ka qeybgalaya Koobka Adduunka ee Kooxaha loo oggolaaday fursad kale oo suuqa kala iibsiga ah, taasoo sababtay diiwaangelin dhowaan la sameeyay, sida Musso, Alexander-Arnold iyo Huijsen oo ka tirsan Real Madrid.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football