Kylian Mbappe Oo Si Cad U Magacaabay Xiddiga Lamine Yamal Ka Mudan Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Sanadkaan

Kylian Mbappe ayaa si cad u muujiyay cidda uu u arko inay ku habboon tahay abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan. Weeraryahanka Real Madrid ayaa taageero buuxda u muujiyay saaxiibkiis Ousmane Dembele.

“Aniga Ballon d’Or waxaan siin lahaa Ousmane Dembele,” ayuu yiri Mbappe. “Ma Dembele ayaan u codeyn lahaa? Haa.”

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Ma u baahan tahay inaan sharraxo sababta? Haddii la isbarbardhigayo Lamine Yamal iyo Dembele, aniga Dembele ayaan dooran lahaa.”

“Codkaygu waa mid aad u cad,” ayuu ku daray Mbappe.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo muran badan uu ka taagan yahay cidda mudan abaalmarinta Ballon d’Or, iyadoo ciyaartoyda da’da yar sida Yamal iyo kuwa khibradda leh sida Dembele si weyn loo hadal hayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football