Kylian Mbappe ayaa tallaabo sharci ah ka qaaday kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain (PSG), isagoo ku eedeeyay inay kula kacday dhibaato maskaxeed iyo mushaar iyo gunnooyin aan la bixin oo gaaraya €55 milyan.
Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday RFI, dacwadda waxaa si rasmi ah loogu gudbiyay maxkamad ku taalla Paris, waxaana baaritaan rasmi ah bilaabay labo garsoore oo gaar ah.
Xafiiska dacwad-oogaha Paris ayaa xaqiijiyay:
“Baaritaan garsoore ayaa la furay Talaadadii, Juun 24, kaddib markii la helay cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay Kylian Mbappe.”
Asalka muranka wuxuu ka bilaabmay markii Mbappe laga saaray tababarka kooxda koowaad xagaagii hore intii uu socday khilaafka qandaraaskiisa. PSG ayaa lagu eedeeyay inay go’doomintaas u adeegsatay si ay ugu cadaadiso inuu kordhiyo heshiiskiisa ama inuu aqbalo inuu ka tago kooxda.
Mbappe wuxuu sidoo kale sheeganayaa inuu xaq u leeyahay €55 milyan oo ah mushaar iyo gunnooyin uu ku leeyahay kooxda, taasoo uu maxkamad ka helay amar ku meel gaar ah oo u oggolaanaya inuu lacagtaasi xayiro ilaa kiisku dhammaanayo.
Dhanka kale, PSG ayaa ka fal-celisay arrinta, waxayna sheegayaan in sheegashada Mbappe ay tahay been aan sal laheyn. Kooxda ayaa sidoo kale ka hor timid xayiraadda lacagta, waxayna labada dhinac hadda u diyaar garoobayaan dagaal sharciyeed oo dheeraan kara.
Dacwaddan ayaa u muuqata mid qoto dheer oo dhaawici karta xiriirka Mbappe iyo PSG, xilli xiddiga reer France uu haatan ka tirsan yahay Real Madrid.