Kylian Mbappe ayaa sheegay in kooxdiisu diyaar u tahay inay si buuxda ugu tartanto Koobka Adduunka ee Naadiyada, isagoo ka hadlayay xilli uu guddoomayay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Real Madrid.
“Koobka Adduunka ee Naadiyada? Waa markii ugu horreysay aan ka qaybgalayno tartankaan, waxaana si weyn u sugaynaa inaan wacdaro dhigno” ayuu yiri Mbappe.
“Waa fursad aan ku noqon karno Champions-ka Adduunka iyadoo aan u ciyaarayno kooxda. Waan dagaallami doonnaa si aan ugu guuleysano koobka,” ayuu sii raaciyay.
Mbappe ayaa ku guuleystay Kabta Dahabka Yurub xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhaliyay 31 gool oo La Liga ah. Tartamada oo dhan, wuxuu dhaliyay 42 gool 55 kulan gudahood.
Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedku weli uma dhammaan Real Madrid. Los Blancos ayaa bisha soo socota u safraysa Mareykanka si ay uga qeybqaataan Koobka Adduunka ee Naadiyada oo ay ka qeybgalayaan 36 kooxood.