“Kubadda Haka Fadhiisto, Waa Waayeel” Halyeey Al Nassr Oo Runta Indhaha Ka Saaray Cristiano Ronaldo

Halyeeyga kooxda Al Nassr, Fahad Al-Bishi, ayaa ugu baaqay Cristiano Ronaldo inuu ka tago kooxda isla markaana uu ka fariisto kubadda cagta.

Fahad Al-Bishi oo ah halyeel Al Nassr ayaa ku eedeeyay laacibka reer Portugal inuu ka fikirayo rikooradiisa shaqsiga ah intii uu ka fikirilahaa danaha kooxda. Wuxuu sheegay in Ronaldo uu sababay in kooxda ay lumiyaan dhibco badan kadib fursado muhiim ah oo uu iska khasaarshay, wuxuuna ugu baaqay inuu kabaha iska siibo si uu u ilaaliyo magaciisa iyo taariikhdiisa ciyaareed.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Koora, ayuu Al-Bishi yiri:

“…Ronaldo wuxuu kaliya ka fakarayaa guulaha shaqsiga, ma ahan tan Al Nassr.

“Ronaldo wuu jabiyay rikooro badan, laakiin sidoo kale wuxuu kooxda ka qasaariyay fursado badan. Waan ixtiraamaa Ronaldo, laakiin waxaan ku talinayaa inuu ka fariisto ciyaarta si uu u ilaaliyo magaca uu dhistay. Jirka ahaan, ma buuxin karo wixii uu hore uga filayay naftiisa.”

“Waan la yaabay inuu ka xanaaqay saaxiibadiisa kooxda. Fursadihiisa si ka fiican ayuu uga faa’iideysan lahaa. Da’du waxay la timaaddaa caqabado,” ayuu sii raaciyay.

Cristiano Ronaldo ayaa ku biiray Al Nassr sanadkii 2022 kadib markii la kansalay qandaraaskiisii Manchester United. Ilaa hadda ma uusan ku guuleysan wax koob weyn ah, isagoo kaliya qaaday Koobka Horyaallada Naadiyada Carabta sanadkii 2023.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football