“Kooxdii Ugu Xumeyd Taariikhda” De ligt Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Hadal Cadho Leh Oo Uu Jeediyay Amorim

Daafaca Manchester United Matthijs de Ligt ayaa si xooggan u taageeray qaabka hoggaamineed ee tooska ah ee Ruben Amorim, isagoo si gaar ah u bogaadiyay hadalladii dhawaan kasoo yeeray ee uu United  ku sheegay “kooxdii ugu xumeyd taariikhda”.

Inkasta oo hadalkaasi ka yaabiyay saxaafadda, De Ligt ayaa sheegay inuu fahmayo oo uu jeclaanayo run sheegista Amorim.

“Waxaan ka imid Netherlands, sidaas darteed waan fahmi karaa. Saxaafaddu way naxday, sababtoo ah caadiyan sidan looma hadlo. Laakiin anigu waan jeclahay in qof runta sheego halkii uu been ku meeraysan lahaa,” ayuu yiri.

“Waxaan qadarinayaa sida uu aniga iila hadlo. Waxaana dareemayaa kalsooni buuxda oo u dhaxeysa aniga iyo isaga.”

De Ligt wuxuu sheegay in Amorim uu ka shaqeynayo wax ka beddelka dhaqanka guud ee kooxda, ma aha oo kaliya ciyaartoyda, balse sida guud ee kooxda u shaqeyso.

“Ka hor inta uusan ciyaartoy cusub keenin, wuxuu marka hore eegayaa dhaqanka kooxda iyo meelaha ay tahay in la hagaajiyo,” ayuu ku daray.

De Ligt ayaa aaminsan in isbedelladaas la arki doono xilli ciyaareedka cusub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football