Suxufiga lagu kalsoon yahay ee Ben Jacobs ayaa daaha ka qaaday in kooxda reer Sacuudi Carabi ee Al-Nassr ay Luis DÃaz, garabka reer Colombia ee kooxda Liverpool, u aragto bartilmaameedkooda ugu muhiimsan si ay u xoojiyaan garbaha weerarka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedka, maamulka Al-Nassr ayaa diyaar u ah inay bixiyaan dalab weyn oo gaaraya ilaa 85 milyan oo yuuro, si ay Liverpool ugu qanciyaan inay fasaxdo ciyaaryahanka, taasoo noqon karta mid ka mid ah heshiisyada ugu waa weyn ee xagaagan ka dhaca horyaalka Sacuudiga.
DÃaz waxaa loo arkaa xubin muhiim ah oo ka tirsan safka koowaad ee Liverpool, wuxuuna bandhigyo heer sare ah sameeyay xilli ciyaareedkii hore, taasoo ka dhigeysa in uu si sahlan uga tago kooxda. Si kastaba ha ahaatee, dhaqaale xooggan ayaa door ka ciyaari kara in xaaladda ay is beddesho maalmaha soo socda.
Xiddiga reer Colombia ayaa sidoo kale horey uga mid ahaa bartilmaameedyada Barcelona, balse kooxda reer Catalonia ayaa haatan diiradda saareysa saxiixa Nico Williams oo ay ka doonayaan Athletic Bilbao kuna kacaya 58 milyan oo yuuro.