Konate Oo Go’aan Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Liverpool

Ibrahima Konate oo la sheegay inuu diyaar u yahay inuu Liverpool xagaaga dambe si bilaash ah uga tago.

Warkan waxaa laga soo xigtay suxufiga Faransiiska ah Santi Aouna, kaasoo sheegay in Ibrahima Konate uu diyaar u yahay inuu ka tago Liverpool weliba si xor ah (free agent) marka heshiiskiisa uu dhamaado xagaaga 2026.

Konate oo 26 jir ah ayaa muddo wadahadallo heshiis kordhin ah kula jiray Liverpool, balse wax is-faham ah lama gaarin ilaa hadda.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in kooxo waaweyn sida Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain horey loogu wargeliyay xaaladda daafaca dhexe.

Waxaa la sheegayaa in Real Madrid ay haatan yihiin kuwa ugu horeeya ee tartanka ugu jira saxiixiisa, taasoo ka dhigeysa daafacii labaad ee Liverpool kaga taga si xor ah muddo 12 bilood gudahood ah — kadib markii ay sidoo kale loolan u galeen Trent Alexander-Arnold, kaasoo sidoo kale ku biiray Real.

Santi Aouna ayaa horey u saadaaliyay sanadkii 2023 in Mohamed Salah uu ka tagayo Liverpool una wareegayo La Liga, inkasta oo warkaasi uu markaas diiday wakiilka Salah, Ramy Abbas Issa.

Haddii aan heshiis la gaarin, Konate wuxuu noqon doonaa daafac si weyn looga raadin doono suuqa xagaaga dambe.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football