Tababaraha hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa si cad u beeniyay wararka dhowaanahan la isla dhexmarayay suuqa ee sheegayay inuu dib ugu soo laabanayo shaqada tababarenimo, gaar ahaan wararka la xiriirinayay kooxda AS Roma.
Isagoo ka hadlayay xafladdii Liverpool FC Foundation Gala Ball, halkaas oo si rasmi ah loogu magacaabay safiir laanta samafalka ee kooxda. Klopp wuxuu si toos uga jawaabay wararka isa soo taraya.
“Uma socdo Roma. Haddii aad aragtaan wax warar ah oo sheegaya inaan shaqo tababarenimo qabanayo sanadaha soo socda, waa been. Adigu waxaad noqon kartaa qofkii ugu horreeyay ee sidaas sheega,” ayuu Klopp yiri.