Klopp Oo Digniin Culus U Diray Florian Wirtz; Wuxuu Taagan Yahay Taagerayaasha Liverpool Uma Baahna Faataale

Tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa ka digay dhibaatada uu sababi karo Florian Wirtz.wuxuu sheegay in cadaadis xooggan uu wajihi karo marka uu bilaabo nolosha Premier League.

Liverpool ayaa ku bixisay £116 milyan si ay uga soo qaadato Bayer Leverkusen 22-jirka reer Jarmal – taasoo ka dhigaysa ciyaaryahankio ugu qaalisanaa kooxda Liverpool.

Klopp ayaa sheegay in qiimaha sare ee Wirtz lagu keenay uu noqon karo bartilmaameed uu dadku si fudud ugu beegsado, gaar ahaan haddii uu la kulmo xilli ciyaareed adag ama uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhaco dhowr kulan gudahood.

“Ma jiro wax shaki ah, waxaa lagu soo iibiyay lacag waali ah – waxaana si buuxda uga warqabaa hadii uu si liidata u ciyaaro, inuu la kulmi doono dhaleeceyn,” ayuu Klopp ku yiri wareysi uu siiyay Welt.

Si kastaba, Klopp wuxuu si weyn u ammaanay Wirtz:

“Waa ciyaaryahan heer sare ah oo wax weyn u tari kara koox kasta.

Waxa keliya ee la sugayo waa in la arko in xitaa uu ka dhigi karo Liverpool mid kasii xoog badan sidii hore.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football