Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Ee Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Maad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele.

Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si wayn ugu weeraray kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi, laakiin Pele ayaa helaya jawaabo badan oo kala duwan oo ka minanaya dad aan ahayn kuwa ka agdhaw Lionel Messi.

Wariyaal kala duwan oo dalal kala duwan jooga ayaa Pele u jawaabay laakiin wariyaha caanka ah ee Piers Morgan isla markaana lagu tilmaamo taageeraha ugu wayn ee kooxda Arsenal ayaa si layaableh ugu hiiliyay Lionel Messi isaga oo dhulka jiiday Pele isla markaana erayadii uu Messi ku sheegay meesha ka saaray.

Wariye Piers Morgan ayaa Pele ku eedeeyay in uu ahaa mid daawooyin ka dhergi jiray gaar ahaan kiniinka Viagra-ha balse aanu ahayn mid xataa soo gali lahaa shaxdii kooxdii Arsenal ee koobka Premier league ku qaaday guuldaro la’aanta.

Piers Morgan ayaa Pele u sheegay in uu iska dhaafo hadalka uu Lionel Messi ka sheego laakiin qoraalka uu wariye Piers Morgan waxa uu markiiba keenay in si wayn uu dareenka twitterka u soo jiitay waxaana laga bixiyay fikiro badan oo kala duwan.

Aan marka hore idin xusuusiyo erayo ka mid ah hadalkii Pele uu ku duray Lionel Messi waxaana ka mid ahaa: “Sideed u awoodaan in aad isbarbar dhigtaan nin kaas oo kubbada si fiican u hidhayn kara, lugta bidix ku dareebeeya, lugta midig ku dareebaya iyo mid kale kaas oo lug kaliya ku darbeeya oo leh hal xirfad oo kaliya isla markaana aan kubbada si fiican u hidhayn karin?”

Wariye Piers Morgan oo marar badan muran ku abuura waxyaabaha uu bartiisa twitterka soo dhigo ayaa Pele ugu jawaabay qoraalkan: “Saabiib Pele-low waxaad soo qaadatay kiniinka Viagra-ha oo aad u badan, adigu xataa in ku fiican umaad fiicnayn Arsenal-shii guuldaro la’aanta, tartamaaha Messi kalidii u daa”.

Jamaahiirtii kubbada cagta ee ka falceliyay jawaabta wariye Piers Morgan uu siiyay Pele ayaa noqday kuwo iska soo horjeeda iyada oo qaar ka mid ahi ay la yaabeen in Pele aanu soo galeen shaxda kooxdii Arsenal ee guuldaro la’aanta ku qaaday koobka Premier league.

Laakiin kuwo kale ayaa wariye Piers Morgan ku taageeray hadalkiisa waxayna sheegeen in Pele uu ahaa ciyaartoy fuley ah oo ka cabsaday in uu ka ciyaaro horyaalada laysku muujiyo ee Yurub isla markaana uu rekoodhka uu sheegto ku gaadhay horyaalka dalkiisa Brazil oo ay aaminsan yihiin in aanu la tartan ahayn horyaalada Yurub.

Dadkii Wariye Piers Morgan u soo jawaabay ayuu mid ka mid ahi soo qoray: “Waa jiil kala duwan iyaga isma barbar dhigi kartid. Pele waxa uu ahaan lahaa magaca ugu horeeya ee xaashida koox kasta oo Arsenal ah”.

Taageere kale oo Morgan ku taageersan fikiradiisa Pele ayaa soo qoray: “Pele waxa uu ahaa mid aad fuley ugu ahaa in uu Yurub ka ciyaaro, waxa uu sii joogay Favelas sababtoo ah, waxa uu ogaa in aanu xadi karayn. Haddii uu England ka soo ciyaari lahaa waxa uu noqon lahaa badalka Callum Wilson (Xidiga Bournemouth).Waligaa sidaas ha u xushmad daraynin xidiga aduunka ugu fiican Ee Messi”.

Si kastaba ha ahaatee, falcelinta uu abuuray hadalkii Pele iyo wariyaasha la saftay Lionel Messi ayaa iyaduna sii kululaysay dooda hadalkii uu Pele xidiga reer Argentina ugu tilmaamay mid hal xirfad leh oo hal lug oo kaliya ku ciyaara.