Xeer-ilaalinta dalka Spain ayaa si rasmi ah u codsatay xukun 4 sano ah oo xabsi ah iyo magdhaw lacageed oo gaaraya €58,000, iyadoo lala xiriirinayo da’yarka kooxda Real Madrid, Raúl Asencio, in uu faafiyay muuqaal galmo ah oo ay ku jirto gabar da’yar ah.
Sida laga soo xigtay warbixin rasmi ah oo uu daabacay wargeyska MARCA, eedeymaha ayaa sheegaya in Asencio uu dalbaday in muuqaalka loosoo diro, islamarkaana uu sii faafiyay isagoo og in oggolaansho laga heysan dhibbanaha.
Xukunka La Dalbaday Wuxuu Ka Kooban Yahay:
4 sano oo xabsi ah
Magdhaw dhan €58,000, oo kala ah:
€27,000: dhaawacyo ku-meel-gaar ah
€21,000: xanuunkii maskaxda iyo saameynta raadka
€10,000: dhaawac anshaxeed iyo moral ah
Ganaax 20 bilood ah oo ah €10 maalintii
⚖️ Difaaca Asencio:
Qareennada u doodaya xiddigan waxay sheegeen in ay “isku kalsoon yihiin, una diyaarsan yihiin inay si buuxda ula tacaalaan arrinta maxkamadda.” Waxaa la sugayaa gabagabada baaritaanka xeer-ilaalinta ka hor inta aan la go’aamin in dacwadu toos u gasho maxkamad.
Fadeexad Saameyn Ku Yeelan Karta Mustaqbalkiisa Ciyaareed:
Raúl Asencio oo ka tirsan kooxda da’yarta ee Real Madrid ayaa wajahaya fadeexad culus oo saameyn karta mustaqbalkiisa ciyaareed iyo sumcaddiisa. Inkasta oo uusan weli xukun rasmi ah dhicin, hadana dambiyada la xiriira faafinta muuqaalada aan oggolaanshaha lahayn, gaar ahaan marka ay la xiriiraan dad aan qaan gaarin, waxay leeyihiin cawaaqib sharciyeed oo culus oo ka dhigan xabsi, ganaax iyo dhamaanshaha fursado xirfadeed.