Khasaare Weyn: Man City Oo Hoos U Dhigtay Qiimaha Lagu Heli Karo Jack Grealish

Kooxda Manchester City ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay khasaare weyn aqbasho marka ay iibinayso Jack Grealish, iyadoo haatan qiimihiisa suuqa lagu sheegay £40 milyan ($55m) – taasoo ka yar kala bar lacagtii £100 milyan ($137m) ee ay kula soo wareegtay sannadkii 2021.

Grealish, oo noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta Ingiriiska markuu ka tagay kooxda uu ka soo baxay ee Aston Villa, ayaa ku guuleystay saddex jeer Premier League, FA Cup, iyo Champions League – dhammaan intaas waxaa qeyb ka ahaa saddexleydii koobabka ee taariikhda galay xilli ciyaareedkii 2022–23.

Si kastaba ha ahaatee, saameyntiisa garoonka ayaa hoos u dhacday, isagoo dhaliyay kaliya 17 gool 157 kulan oo uu u saftay kooxda. Waxa kaloo la dareemay maqnaanshihiisa kulamadii FIFA Club World Cup, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Inkasta oo weli labo sano uga harsan yihiin qandaraaskiisa – kaasoo dhacaya 2027 – City ayaa hadda diyaar u ah iney iska dirto xiddiga. Sida ay sheegtay Manchester Evening News, kooxda ayaa diyaar u ah inay iska iibiyaan Grealish haddii ay helaan lacag dhan £40 milyan, iyadoo suuqa kala iibsiga xagaagan uu durba u socdo si xamaasad leh.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football