Kevin De Bruyne, ayaa u magacaabay N’Golo Kanté iyo Fabinho inay yihiin labadii ciyaartoy ee ugu adkaa ee uu kaga hor yimid horyaalka Premier League.
Wareysi uu bixiyay 2023, De Bruyne wuxuu si gaar ah u amaanay Kanté, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan aan daal lahayn oo mar kasta ka jooga garoonka meel kasta. Wuxuu yiri: “Waa y mid meel kasta jooga. Waa mid aad u adag in lala ciyaaro.”
Inkasta oo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin la kulankiisa Fabinho, haddana khad-dhexaadka reer Brazil waxaa si weyn loogu yaqaan awooddiisa difaaca iyo xirfaddiisa xeeladaysan ee uu ku burburiyo weerarada kooxaha ka soo horjeeda.
Labada ciyaaryahanba – Kanté iyo Fabinho – waxay door weyn ka ciyaareen guulaha kooxahooda, waxaana si weyn loogu aqoonsan yahay inay ka mid yihiin khad-dhexaadyadii ugu adkaa ee soo mara horyaalka Premier League.