Kevin De Bruyne Oo Ku Biiraya Labadan Koox Midkood

Kevin De Bruyne ayaa wajahaya go’aan muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo BBC ay sheegtay inuu kala dooranayo labada kooxood ee Chicago Fire iyo Napoli.

Kooxda weyn ee Major League Soccer (MLS) ee Chicago Fire ayaa u bandhigtay De Bruyne heshiis aad u qiimo badan, waxaana qorshuhu yahay in laga dhigo xiddiga ugu weyn kooxda, iyadoo uu heli doono fursad uu kaga qeyb galayo Koobka Adduunka ee Naadiyada.

Milkiilaha kooxda Chicago Fire, Joe Mansueto, ayaa si shaqsi ah ula xiriiray De Bruyne, waxaana uu si xooggan ugu dadaalayaa sidii uu isaga ilaawi lahaa inuu u wareego Mareykanka. Intaa waxaa dheer, kooxda Mareykanka ayaa u aragta dhaqaaqan mid keeni kara in De Bruyne uu si fudud ugu gudbo xirfad ganacsi kadib marka uu howlgab noqdo.

Dhanka kale, kooxda Serie A-da ee Napoli ayaa sidoo kale doonaysa inay la saxiixato De Bruyne, waxayna u ballanqaadeen 33-jirkan fursad uu ku sii joogo qaaradda Yurub oo uu weli heerka sare kaga ciyaaro.

Xiddiga reer Belgium ayaa la filayaa inuu go’aankiisa kama dambaysta ah shaaciyo toddobaadyada soo socda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football