Kevin De Bruyne Oo Koox Weyn Heshiis Saddex Sano La Gaaray

Sida uu sheegay Matteo Moretto, kooxda Napoli ayaa Kevin De Bruyne u bandhigtay heshiis saddex sano ah, iyagoo u soo jeediyay mushaar nadiif ah oo dhan €6 milyan sanadkii labada sano ee ugu horreeya, iyo €5 milyan sanadka saddexaad, oo ay weheliso gunno saxiixeed.

De Bruyne oo qandaraaska uu Manchester City kula jiro ku eg 30-ka Juun, ayaa la filayaa inuu go’aankiisa ku dhawaaqo maalmaha soo socda. Waxa uu sidoo kale haystaa dalab kaga yimid kooxda Chicago Fire ee Major League Soccer-ka Mareykanka.

Napoli waxay muddo dheer xiiseynaysay laacibka reer Belgium. Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, Cristiano Giuntoli, ayaa booqday Manchester si uu ugala hadlo suurtagalnimada heshiiska, waxaana la sheegayaa in De Bruyne uu asxaabta xulkiisa Belgium la tashtay.waxaa go’aankiisa door weyn ku leh Romelu Lukaku iyo Dries Mertens, kuwaas oo si wanaagsan uga hadlay kooxda Napoli iyo magaalada Napoli.

De Bruyne ayaa si taxaddar leh u eegaya xulashooyinkiisa, isagoo miisaamaya fursadda uu kaga ciyaari karo Serie A iyo Champions League, marka loo eego suurtagalnimada inuu u wareego Mareykanka. Go’aankiisa ayaa la filayaa inuu shaaciyo dhowaan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football