Kerkez Oo Taageerayaasha Liverpool Quluubtooda Kasbaday Kadib Hadal-jeedin Tiisii Ugu Horreysay

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa daafaca bidix ee Milos Kerkez oo kaga yimid AFC Bournemouth, waxaana lagu soo iibsaday £40 milyan. Kerkez ayaa noqday saxiixii saddexaad ee xagaagan kadib Jeremie Frimpong iyo Florian Wirtz.

Kerkez oo 21 jir ah ayaa yiri:

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof kasta oo muujiyay jacayl weyn xitaa kahor intaan la shaacin saxiixa. Waxaan diyaar u ahay inaan wax kasta bixiyo si aan ugu guuleysano koobab, una dhaliyo kooxda goolal. Waan sugi la’ahay dhawaaqa taageerayaasha.”

Waxa uu xirfadiisa ka bilaabay kooxda Gyor ee Hungary, kadibna wuxuu u wareegay kooxda dhallinyarada AC Milan, balse fursad kama helin kooxda koowaad. Wuxuu ka soo baxay AZ Alkmaar kahor inta uusan Bournemouth kula biirin.wuxuu saftay dhammaan kulamadii 2024/25, isagoo dhaliyay 2 gool islamarkaana caawiyay 6 kale.

Ciyaartiisa ugu horreysa ee rasmi ah ee Liverpool waxa ay noqon kartaa Community Shield oo ay la ciyaarayaan Crystal Palace 10-ka August.

Kerkez waxa uu durbadiiba kasbaday qalbiyada taageerayaasha Liverpool, isagoo ballan qaaday dadaal iyo guulo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football