Kerkez Oo Soo Gaaray Magaalada Merseyside; Waxaa Lagu Wadaa Inuu Dhammeystiro Heshiiska Liverpool

Milos Kerkez iyo qoyskiisa oo lagu arkay iyagoo ku sii jeeda Merseyside si ay u dhammaystiraan heshiiska Liverpool

Milos Kerkez ayaa lagu arkay isagoo ku sii jeeda Merseyside si uu u dhammaystiro heshiis £40 milyan ah oo uu kaga soo tagayo Bournemouth uguna wareegayo Liverpool.

Kerkez waxaa la filayaa inuu maanta dhammaystiro ku biiristiisa Anfield, taas oo soo afjaraysa mala-awaalka ku saabsan mustaqbalkiisa.

Difaacan dhalinyarada ah ayaa si weyn u soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn kaddib markii uu xilli ciyaareedkii hore dhammaan 38 kulan ee Premier League u saftay Bournemouth, isagoo dhaliyay 2 gool kana qayb qaatay 6 caawin.

Saxiixiisa wuxuu qayb ka yahay suuqa xagaaga ee mashquulka badan ee Liverpool, kuwaasoo horey ula soo saxiixday Florian Wirtz oo kaga yimid Bayer Leverkusen £116 milyan – saxiix rikoor u ah kooxda – iyo daafaca midig ee Dutch-ka ah Jeremie Frimpong oo £29.5 milyan lagu keenay.

Imaatinka la filayo ee Kerkez wuxuu su’aalo ka keenayaa mustaqbalka daafacyada bidix ee haatan ee Liverpool, Andy Robertson.

Da’yarka 21 jirka ah ayaa la filayaa inuu maro baaritaanka caafimaadka kahor inta uusan si rasmi ah u dhammaystirin heshiiska, kaddib markii uu ka soo duulay Belgrade isagoo yimid UK.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football