Kaka Oo Magacaabay Hal Laacib Oo Ka Mudnaa Ronaldo Iyo Messi Abaalmarinta Ballon d’Or Waayahoodii

Halyeeyga reer Brazil ee Kaka, oo ku guuleystay Ballon d’Or sanadkii 2007, ayaa shaaciyay magaca ciyaaryahan uu rumeysan yahay inuu si dhab ah u mudnaa abaalmarinta xilli ay kubadda cagta aduunka ku amar taagleynayeen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Kaka, oo 43 jir ah, ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee u dhashay Brazil ee ku guuleysta Ballon d’Or, isagoo kaga horeeyay Messi iyo Ronaldo sanadkii 2007. Tan iyo markaas, labada xiddig ayaa si wadajir ah ugu kala guuleystay abaalmarintan tan iyo 2008, iyadoo Messi uu qaaday 8 jeer, halka Ronaldo uu helay 5.

Si kastaba, Kaka ayaa rumeysan in Neymar uu ahaa ciyaaryahan si dhab ah ugu qalmay Ballon d’Or, gaar ahaan sanadkii 2020, markaas oo PSG ay gaartay final-ka Champions League balse laga qaaday.

Kaka wuxuu yiri:

“Wey adag tahay in la yiraahdo wuu mudnaa, balse waxaan oran lahaa Neymar. Waqtiyo gaar ah oo ka mid ah xirfadiisa wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican dunida.”

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray:

“Si aad Ballon d’Or ugu guuleysato, waa inaad noqotaa hoggaamiye tartan kooxeed. PSG haddii ay final-kii 2020 kaga adkaan lahaayeen Bayern Munich, Neymar wuxuu noqon lahaa ciyaaryahanka ugu wanaagsan sannadkaas.”

Kaka ayaa ku soo gunaanaday in inkastoo Neymar uusan ku guuleysan abaalmarinta, haddana heerkiisii ciyaareed uu gaaray xilliyo gaar ah wuxuu ahaa mid la mid ah ama ka sarreeya Messi iyo Ronaldo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football