Halyeeygii hore ee AC Milan, Kaka, ayaa magacaabay lix ciyaaryahan oo uu ugu jecel yahay inay ku tartamaan abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025.
Kaka oo 43 jir ah ayaa doortay Mohamed Salah, Kylian Mbappé, Lamine Yamal, Ousmane Dembélé, Raphinha iyo Virgil van Dijk.
Si kastaba ha ahaatee, Kaka waxa uu xusay in final-ka Champions League ee sanadkan uu door weyn ka ciyaari doono go’aaminta cidda ku guuleysan doonta Ballon d’Or.
Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa u sheegay SPORTbible: “Tartanka Ballon d’Or ee sanadkan, waxaan dhihi lahaa Mohamed Salah waa kan ugu cad-cad. Virgil van Dijk waa inuu helaa aqoonsi sidoo kale.”
“Waxaa kaloo tartanka ka muuqan kara Kylian Mbappé, Lamine Yamal iyo Raphinha.”
“Dembélé waxa uu xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay PSG, haddii uu noqdo ciyaaryahanka ugu bandhiga fiican final-ka Champions League, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah kuwa ugu cadcad,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadalka Kaka ayaa imaanaya wax ka yar dhowr maalmood kadib markii Lamine Yamal uu taageero buuxda ka helay weeraryahankii hore ee Barcelona, David Villa, si uu u hantiyo Ballon d’Or 2025.