Kadib Magacyadii Layaabka Lahaa Ee Kusoo Baxay Safka Xulka Spain – Waa Kuwee 11-ka Xiddig Ee Iska Waayay Kuwooda Ugu Fiican?

Tababare Luis Enrique ayaa safkiisii ugu dambeeyay qaranka La Roja ka reebay magacyo waaweyn oo ugu yaraan la filayay iney matali doonaan kulamada soo aadan, waxaana kusoo baxay dhawr xiddig oo si lama filaan ah loogu yeeray.

Shabakadda Marca ee laga leeyahay Spain ayaa shax ka sameysay liiska ciyaartoyda ka maqan qaranka, waxeyna goolka usoo doorteen goolhayaha FC Porto Iker Casillas kaas oo muddo aan laga wicin xulka.

Alvaro Odriozola ayaa kusoo baxay liiskaan kaas oo isku muujiyay kulamada yar ee Santiago Solari uu hayo xilka Madrid, waxaana soo raaca xiddigaha Nacho Fernandez, Marc Bartra kuwaas oo lagu sheego kuwa badali kara Gerard Pique.

Maadaama loo wacay Jordi Alba, waxaa xulka laga reebay xiddiga Chelsea Marcos Alonsoa, xiddgii hore Fiorentina wuxuu kasoo muuqday kulamadii ugu dambeeyay, balse lama wicin kulamada soo aadan.

Cesc Fabregas iyo Juan Mata oo labaduba muhiim u ah kooxahooda ayaa ka maqan liiska, waxaana lagu soo daabacay liiska xiddigaha maqan, waxaana ku wehliya Sergio Canales oo si qurux badan uga dhex muuqda Real Betis iyo Pablo Sarabia oo isna kasoo hilaacay kooxdiisa Sevilla.

Dhanka weerarka waxaa lasoo xulay Paco Alcacer oo ka tirsan Borrusia Dortmund iyo Borja Iglesias oo isna hogaan u ah kooxda Espanyol.