Kadib Dhaawaca Danny Welbeck Arsenal Oo Ku Fakareysa Iney 45 Malyan Kusoo Qaadato Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Faransiiska.

Dhaawaca soo gaaray Danny Welbeck wuxuu ku qasbi karaa Arsenal iney bisha January u dhaqaaqdo badalkiisa, waxeyna markaan isha ku heysaa xiddiga Lille Nicolas Pepe.

Welbeck ayaa laga saaray garoonka kulankii ay kooxdiisa barbaro gool la’aan ah la dhaafi weysay Sporting Lisbon kulan ka tirsan wareega group-yada koobka UEFA Europa League, waxaana kooxda ku sugan Alexandre Lacazette & Pierre-Emerick Aubameyang oo labaduba inta badan la wada adeegsado.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrameysa iney Arsenal haatan qorsheyneyso iney u dhaqaaqdo xiddiga ku dhashay France balse doortay inuu u ciyaaro qarankiisa Ivory Coast kaas oo wacdaro ka dhigaya horyaalka France.

Nicolas Pepe wuxuu shabaqa soo taabsiiyay 8-gool, sidoo kalana 7-kale ayuu caawiyay 12-ciyaarood uu saftay fasalkaan kulamada horyaalka France, waana tan keentay in Unai Emery uu indhahiisa kusii jeediyo.

Sidoo kale kooxaha Bayern Munich & Chelsea ayaa xiddigaan xiiseynaya kuwaas oo ay heysato weerar yari baahsan, waxaana suuragal ah in xiddigaan lagu xifaaltamo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.

Telefoot ayaa xiddigaan wax ka weydiisay mustaqbalkiisa horaantii sanadkaan wuxuuna ku jawaabay: “Doorashada u dhaxeysaa Dortmund, Bayern & Arsenal? dhamaan waa kooxo waaweyn”

“Ma aqoonsani wararka xanta ah, inkasstoo ay fiican tahay”

“Miyaan ka tagayaa Lille kadib dhamaadka fasalkaan? Xitaa inaga ma ogin waxa dhici doona berito”