Kaddib Qaab Xun Oo Ay Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka, Miyay Real Madrid Ka Quusatay Hanashada Horyaalka La Liga? Santiago Solari Oo Hammiga Kooxdiisa Cadeeyay

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa cadeeyay hammiga kooxdiisa Real Madrid ay ka leedahay hanashada horyaalka dalka Spain ee La Liga xilli ay qaab aad u liita ku bilaabatay oo ay dhibco badan lumisay horraantii xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaa haatan haysata farqi iyo faa’ido shan dhibcood ah oo ay ka sarreeyaan Madrid oo fadhida booska 5-aad ee miiska kala sarreynta La Liga balse tababare Solari ayaa sheegay in kooxdiisu ay wali haysato fursad ay ugu guuleysato horyaalka.

Santiago Solari

Solari oo ka faaloonaya arrimahaas ayaa yidhi “Shaki kama qabo in nalaga dalban doono waxa ugu badan daqiiqada ugu horreysa, Waa inaan yeelano dadaal oo aan kuwo xaqiiqo ah oo adag ka noqono daafaca isla markaana kuwo weerartama ka noqono weerarka”

“Uma malaynayo inay jirto baahi loo qabo kor u qaadista dhiiro gelinta, Waxaanu u dagaalami doonaa horyaalka ilaa dhammaadka”

Markale Solari ayaa wax laga weydiiyay xulashada shaxdiisa iyo haddii uu samaystay shax joogto oo uu ku ciyaaro ayaa sheegay inuusan aaminsanayn shax kaliya.

“Shaxda safka koowaad way balaadhan tahay iyada oo loo eegayo kulanka, Waxa jira waxyaabo badan oo ay tahay in la tix geliyo sida xaalada, Wakhtiyada qaab ciyaareedka fiican, Dhaawacyada iyo go’aanada kooxda naga soo horjeeda, Waxa jira qoddobo badan, Ma aaminsani lahaanshaha shax joogto ah”