Kaddib Markii ay Ka Aarsan Kari Waayeen Croatia, Tababaraha Xulka Qaranka England Oo Qiimeeyey Bandhiggii Ciyaartoygiisa

Tababaraha xulka qaranka England, Gareth Southgate ayaa ku dooday in ciyaartooyada qarankiisu ay soo bandhigeen ciyaar aad u heer sarraysay, ayna u qalmayeen inay guusha kala soo hoydaan kulankii ay ugu tegeen Croatia ee ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League oo ay ku kala baxeen barbar dhac goolal la’aan ah.

Saddex bilood ka hor labadan dal ayaa iskugu soo baxay wareegga semi-finalka ee Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka, waxaana ay guushu raacday Croatia, taas ayaana kor usii qaadday xamaasadda ciyaartan oo ka dhacday garoon yar oo aanay cidi daawanayn oo ku yaalla Croatia, sababta loo cidleeyey garoonkuna waxay ahayd in dalka martida loo ahaa uu rabshad sameeyey ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebkii Euro 2016 oo ay la ciyaareen Italy.

Ciyaartan waxa la filayey in England ay ka aargoosan doonto Croatia oo ka reebtay koobkii Adduunka, hase yeeshee inkasta oo ay si fiican u ciyaareen waxay dhibcaha ku wadaageen barbar-dhac goolal la’aan ah.

Eric Dier iyo Harry Kane ayaa barta ka jaray kubbado labadii qaybood ee ciyaarta, halka Ross Barkley laga diiday rikoodhe caddaan ah iyadoo uu Marcus Rashford khasaariyey laba fursadood oo goolal noqon lahaa.

Haddaba ciyaarta kaddib waxa warbaahinta la hadlay tababare Gareth Southgate, waxaanu ku dooday inuu dareemayo sidii kulan ay ahayd inay guuleystaaan oo kale, waxaanu yidhi: “Waxa aan dareemayaa inay ahayd inaanu guuleysano, bandhiggayaguna wuu u qalmayey guul. Qaybtii hore, aad ayay u qurux badnayn, waxaananu helnay fursad wanaagsan oo ka timid koorne.”

Ciyaartan waxa taariikh ku sameeyey da’yarka Jadon Sancho oo noqday laacibkii ugu horreeyey ee dhashay intii ka dambaysay sannadkii 2000 ee u safta England, halka Ben Chilwell iyo Barkely ay fursad ka heleen muddo kaddib.

Labada waddan ee England iyo Croatia ayaa ku wada jira Hormada (GROUP)-ka A, waxaanay u dagaallamayaan midkooda kaalinta koowaad kaga soo baxaya si ay si toos ah ugu gudbi karaan tartanka EURO 2020 iyo lacag badan oo ay qaataan.

[irp posts=”162301" name=”Kaddib Guushii Ay Ka Gaadheen Wales, Tababare Enrique Oo Ku Hanjabay Inuu Daadin Doono Ciyaartooyo Waaweyn Kulanka England”]