Kaddib Guushii Ay Ka Gaadheen Xulka Poland, Tababaraha Xulka Portugal Ee Fernando Santos Oo Ka Hadlay Haddii Uu Xulkiisu Isku Filnaansho Gaadhay Oo Ay Ka Maarmaan Cristiano Ronaldo.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa kaddib guushii 3-2 ahayd ee ay kasoo hooyeen kulankii Poland waxa uu ka jawaab celiyay wararka sheegaya in xulku uu socon karo la’aanta Cristiano Ronaldo isla markaana ay gaadheen wakhti aysan baahi u qabin.

Cristiano ayaan loo xulan liiska xiddigaha ee kulamada qaramada ee UEFA Nations League matalaya Portugal sababtoo ah inuu dhexda kaga jiro kiis kufsi oo meel xun maraya kaas oo uu kala kulmayo Mayorga oo ku eedaynaysa inuu falkaas anshax xumada ah ugu gaystay magaalada Las Vegas sanadkii 2009.

 

Tababare Santos ayaa sheegay in kooxina aysan wanaagsanaan karin la’aanta midka ugu fiican dunida oo uu Ronaldo uga jeedo isaga oo dhinaca kale sheegay in CR7 uu kaliya siiyo awood dhammaystirka goolasha ah marka uu ciyaarayo.

Tababaraha ayaana yidhi “Kooxina ma noqon karto mid sidii hore ka fiican la’aanta midka ugu fiican dunida, Maaha in laga hadlo mid aan halkan joogin, Marka uu Cristiano ciyaarayo isagu waa mid ku horumarsan garabka bidix waxaana uu nasiiya awood badan oo dhammaystir”

“Marka uu ciyaarayo waa inaan raadinaa xal aan kubadda isaga ugu helayno marka uu gudaha galona waa inaan helnaa ciyaartoy buuxiya garabka bidix, Tani waa sida aan kusii socon doono”

Ugu dambayn, Fernando Santos oo ay sanadkii 2016 tartankii EURO si wadajir ah xulka Portugal ugu qaadeen isaga iyo Ronaldo ayaa ah shaqsi markasta si adag u difaaca kabtanka xulkiisa kuna cel-celiya inuu yahay midka dunida ugu fiican.