Kaddib Dhaawaca Soo Gaadhay Joe Gomez, Tababare Jurgen Klopp Oo Kala Doortay Dejan Lovern Iyo Joel Matip Midka Uu Daafaca Kula Lamaanaysiin Doono Virgil Van Dijk.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kala doortay daafacyada dhexe ee kooxdiisa ee Dejan Lovern iyo Joel Matip kaddib dhaawacii kulankii Arbacada ee Premier League kusoo gaadhay Joe Gomez oo ahaa xiddiga inta badan kusoo bilaabanayay xilli ciyaareedkan.

Gomez ayaa bilawgii kulankaas dhaawac looga saaray garoonka intaa kaddib Reds ayaa warbixin vaafimaad kasoo saaray xaalada daafacooda iyaga oo sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono mudo lix toddobaad ah.

Liverpool news Jurgen Klopp Joe Gomez Virgil van Dijk

Jurgen Klopp ayaa dookhyo kala duwan oo ku filan ku haysta kursiga keydka, Van Dijk ayaa ah daafaca koowaad ee kooxda darajadaasna soo haystay tan iyo markii uu rekoodh 75 milyan ah kaga soo hayaamay kooxda Southamton.

Sidoo kale waxa jooga Lovern iyo Matip, Wargeyska The Sun oo ka faaloonaya go’aanka uu Klopp ku kala xushay daafacyadan ayaa sheegay inuu doortay daafaca ree Croatia ee Dejan Lovern.

Matip ayaa la filayaa inuu keydka sii xejisan doono isaga oo u joogi doona taageero ahaan iyo inuu kooxda daboolo haddiiba ay dhibaatooyin kale yimaadaan.

Dhaawaca Joe Gomez ayaa ah mid kusoo beegmaya xilli ay Liverpool marayso meel aad u xasaasi ah xilli ciyaareed ay doonayso inay abaarta koobabka ka baxdo isla markaana ay tartan xoogan ku jirto.

Toddobaayada soo socda ayay kooxda Jurgen dheeli doontaa kulamo adag oo ay ugu culus yihiin labada kulan ee Manchester United iyo Arsenal iyo waliba kulanka guul ama geerida ah ee ay Napoli soo dhawayn doonaan ciyaar qayb ka ah Champions League.