Kaddib Ciyaartii Xalay, Olivier Giroud Oo Si Dadban U Weeraray Tababarihiisa Maurizio Sarri

Weeraryahanka kooxda Chelsea, ee Olivier Giroud oo xalay soo afjaray abaar ka haysatay goolka in muddo ah, ayaa waxa uu ka hadlay isbeddelka ku yimid qaab-ciyaareedkiisa iyo sida ay ugu adkaatay dhalinta goolashu xili ciyaareedkan.

Olivier Giroud ayaa xalay dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee Chelsea tan iyo bishii May, kaddib markii uu madaxa ku dhuftay kubbad si qurux badan uu dhinaca uga soo qaaday difaaca reer Brazil ee Emerson Palmieri, waxaana uu goolkaasi ka caawiyey Blues inay u gudubto wareegga 16-ka ee tartanka Europa League.

Weeraryahankan oo ku fiican kubbadaha sare ee madaxa ah, goolal badanna ugu dhaliyey Blues xili ciyaareedkii hore, ayaa waxa uu ka baxay shaxda koowaad ee tababare Sarri oo ka doorbiday ciyaartooyada xarfadda iyo orodka badan sida Eden Hazard iyo Pedro.

Haddaba Giroud oo warbaahinta la hadlay ciyaartaas kaddib ayaa waxa uu si dadban u eedeeyey tababarihiisa oo uu tilmaamay in qaab-ciyaareedka kooxdu aanay ahayn mid caawinaya ciyaartiisa.

“Waxa aan rajaynayay inaan si dhakhso ah u dhaliyo sababtoo ah xili dambe ayaan kasoo laabtay Koobkii Adduunka, waxaanan lumiyey kalsoonidii iyo qaabkii wanaagsanaa laakiin mar walba waxaad u baahan tahay shaqo adag iyo inaad niyadsamaanta sii waddo, waana waxa caawa dhacay.” Sidaas waxa Giroud kasoo xigtay wargeyska Metro kaddib ciyaartii xalay.

“Emerson ayaa kubbad wanaagsan ka keenay dhinaca, waana waxa loo baahan yahay in mar walba la sameeyo.” ayuu ku daray.

Wargeyska Metro oo warkan qoray, waxa uu si badheedh ah ugu turjumay hadalka Giroud inuu ka dhigan yahay weerar maldahan oo uu ku qaaday tababarihiisa Maurizio Sarri.