Kaddib Bandhigyo Lagu Raaxaystay Oo Uu Sameeyay Lucas Torreira, Miyay Arsenal Ugu Dambayn Dib U Heshay Bedelka Ay Sanadada Badan U Dhutinaysay Ee Patrick Vieira?

Saxeexa cusub ee kooxda Arsenal ee Lucas Torreira ayaa ah mid kulamadii ugu dambeeyay bandhigyo ay jamaahiirta kooxdiisu aad ula dhaceen ka sameeyay garoomada iyaga oo durtaba magacyo cusub oo halyeeyo waaweyn ah ugu yeedhay.

Xiddiga ree Uruguay ayaa kulankiisii toddobaad oo Premier League ah kusoo bilaaban doona dhawaan marka ay soo dhaweeyaan kooxda Wolves iyadoo ay si cad usoo ifbaxayso horumarka xoogan ee uu ku samaynayo safka Emery dhawaanahan.

Qaabka cajiibka ah ee uu u wareegayo khadka dhexe ayaa ah mid raaxo badan siinaysa afarda daafac dambeed maadaama oo uu kubaddo badan ka daboolayay kulamadii ugu dambeeyay.

Lamaanaha khadka dhexe ee uu la samaystayGranit Xhaka ayaa ah mid ka caawisay Arsenal inay bandhigyo joogto ah ka sameeyaan khadka dhexe oo ah boos ay ku dhibtoodeen sanadihii ugu dambeyay isla markaana ay raadinayeen xiddigo si dhab ah u buuxiya.

Arsene Wenger oo mudo dheer kasoo talinaya Gunners ayaa horraantii waayihiisa kooxda khadka dhexe ku haystay Patrick Viera balse bixitaakii halyeeyga ree France ayaa musiibo ku noqotay Wenger oo dabayaaqadii waayihiisa ku dhibtooday helista bur-buriye buuxa.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiskii xagaagii ee £27 million ahaa ee ay Gunners kula soo saxeexdeen Lucas ayaa u muuqda mid ugu dambayn jamaahiirta siinaya wixii ay sugayeen mudada aadka u dheer oo ah bedelka rasmiga ah ee Viera.