Kaddib Bandhigyada Musiibada Ah Ee Uu Alexis Sanchez Lasoo Muuqanayo, Halkan Kaga Boggo Saddex Xiddig Oo Ay Manchester United Ula Soo Saxeexan Karto Bedelkiisa.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa u muuqda mid doonaya inuu iskaga hayaamo kooxdiisa kaddib mudo aan sanad dhammayn oo uu la joogay sidoo kale kooxda qudheeda ayaa la filayaa inay go’aan ka qaadato.

Wargeyska caanka ah ee The Times ayaa ku warramaya in Sanchez ay saamayn xoogan ku yeesheen arrimo shaqsi ah sida inay dhawaan kala tageen saaxiibtiisii mudada dheer ee Mayte Rodriguez.

Alexis Sanchez

Haddaba, Waxaan halkan ku eegi doonaa tiraba saddex xiddig oo ay macquul tahay inay Man United ku xaliso dhibaatada garabka ka haysata kooxdeeda ee ay markii hore ula soo saxeexatay Sanchez.

Gareth Bale

Xiddiga ree Wales ayuu markale mustaqbalkiisa Real Madrid shaki weyni soo galay iyadoo hore loo filayay inuu buuxin doono booskii uu baneeyay Cristiano Ronaldo walow aysan waxkasta sidii la filayay ugu hagaagin.

Jamahaaiirta Bernabeu ayaa u muuqda kuwa dhibaatada ugu weyn ku haya Bale kaddib markii ay ku oriyeen markii bedel lagu sameeyay kulankii La Liga ee toddobaadkii hore waana sheeko ku qasbi karta xiddigan inuu boorsadiisa ka qaato Madrid.

Malcom

Xiddiga Barcelona ayaa ahaa mid ay markasta diirada ku hayeen kooxaha Arsenal iyo Tottenham balse qaab ciyaareed xumada Sanchez ayaa ah mid United ku qasbi karta inay u dhaqaaqdo.

Malcom ayaa xagaagii dhawaa kusoo biiray Blaugrana`balse dhibaato fursad la’aan oo ku qabsaday Camp Nou ayaa ku sababi karta inuu baneeyo kooxda isla markaana uu u dhaqaaqo Old Trafford.

James Rodriguez

James ayaa haatan qaab amaah ah ku jooga kooxda Bayern Munich isaga oo kasoo maqan dhinaca Real Madrid, xiddiga ree Colombia ayaa si weyn ugu soo dhibtooday hanaankii Zidane ee Madrid isaga oo ugu dambayn u baxsaday dhinaca Bavaria.

Red Devils oo mudo dheer raadinaysay Rodriguez ayaa haatan ka faa’idaysan karta dhexda kooxaha Madrid iyo Munich isla markaana rumayn karta riyada mudada dheer.