Kabtanka PSG Oo Magacaabay Cidda Ugu Mudan Ku Guuleysiga Abaalmarinta Ballon d’Or Sanadkan

Kabtanka Paris Saint-Germain, Marquinhos, ayaa si cad u sheegay cida uu u arko iney u qalanto abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan 2025.

Difaaca reer Brazil ayaa sheegay in saaxiibkiis Ousmane Dembélé uu yahay ciyaaryahanka ugu mudan abaalmarinta ugu sarreysa ee kubadda cagta.

Marquinhos ayaa magaca Dembélé ugu dhawaaqay si xooggan intii lagu jiray dabaaldeggii guusha PSG ee Paris Axaddii, kaddib markii ay kooxdu ku guuleysatay Champions League markii ugu horreysay taariikhdeeda, iyadoo 5-0 ku xasuuqday Inter Milan fiidkii Sabtida, ciyaartii ka dhacday Munich.

Dabaaldegga oo ka dhacay bartamaha magaalada Paris, laga soo bilaabo Champs Elysees ilaa Arc de Triomphe, ayaa ahaa mid si weyn loo dareemay. Intii lagu jiray, Marquinhos ayaa ku qayliyay:

“Ousmané, BALLON D’OR! Ousmané, BALLON D’OR!”

Guushan taariikhiga ah ee Champions League ayaa si weyn u xoojisay fursadaha Dembélé ee abaalmarintan. Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 33 gool isagoo caawiyay 15 kale 49 kulan oo tartamo kala duwan ah.

Inkasta oo uu horay uga gaabsaday xiisaha abaalmarinta, haddana bandhiggiisa cajiibka ah iyo doorkiisa guusha PSG ayaa ka dhigtay musharrax dhab ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football