Ka Hor Kulanka Fulham, Jose Mourinho Oo Ka Warbixiyey Dhaawacyadii Ugu Dambeeyey Ee Ciyaartoygiisa

Jose Mourinho ayaa qiray in xiddigaha kooxdiisa ee ANthony Martial, Chris Smalling iyo Phil Jones ay dhaawacan yihiin, shakina ku jiro inay taam u noqon doonaan kulanka Sabtida ay garoonka Old Trafford kusoo dhoweyn doonaan Fulham.

Martial ayaa dhaawac kaga baxay ciyaartii Arbacadii ay Arsenal barbar-dhaca la galeen, kaddib markii uu muruqa ka dareemay xanuun, hase yeeshee Mourinho ayaa xaaladdiisa ku qiimeeyey dhaawac hor-dhac ah, taas oo ka dhigan in aanay khatar badan jirin laakiin ay suurtogal tahay inuu waqti kooban qaato.

Smalling ayaa dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Champions League ee Young Boys ayaa safray kulankii Arsenal isaga oo dhibaato badan dareemaya, laakiin Southampton ayaa isaguna wax noqday Sabtidii.

Mourinho oo magaalada Manchester kula hadlay warbaahinta ka hor ciyaarta Fulham ee Sabtida ayaa waxa uu sheegay inay ku adag tahay inuu soo xusho ciyaartoygiisa qaarkood sabab la xidhiidha dhaawaca waxaanu yidhi: “Waa mar kale iyo xulasho adag. Weli waxaan sugayaa dhamaystirka, weli waxaan sugaynaa dad sida Martial, Smalling, Jones oo shaki ku ku jiro.”

“Laakiin waxa jira hammuun badan oo ay qabaan oo ay naftooda laynka ku keenayaan sida Chris uu sameeyey ciyaartii dhaweyd ama Jones sameeyey ciyaartii Southampton. Waana arrin muhiim ah marka aad haysato kulamo badan iyo dhibaatooyin ciyaartooyada qaarkood ah.” ayuu yidhi.

Manchester United ayaa la dhibaatoonaysa dhaawacyo dibedda dhigay qaar ka mid ah ciyaartoygeeda safka dambe ee difaaca iyo khadka dhexe.