Juventus Oo Guul Diriqi Ah Ka Gaadhay Inter Milan, Xilli Wiilasha Allegri Sii Dheeraysteen Hogaanka Serie A-da

Kooxda Juventus ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Inter Milan kulan ka tirsanaa Horyaalka Serie A-da todobaadkiisii 16-aad kulan ka dhacay garoonka Allianz Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba ku dagaalamayeen sidii ay guul u gaadhi lahaayeen iyaga oo sameeyay fursado goolal laga dhalin karo.

Juventus ayaa ahayd kooxda maamulaysay kulanka halka Inter Milan qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonaysay in ay kooxda Juventus kaga dhaliso Goolal.

Kooxda Inter Milan ayaa dhanka fursadaha ahayd kooxda ku badan iyaga oo fursado goolal laga dhalin karo si la yaab leh isaga khasaariyay.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood wax goolal ah kala dhalin waayeen inkasta oo ay heleen fursado cajiib ah.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood si dar-dar leh ku bilowdeen iyaga oo qaadayay weeraro is waydaarsi ah oo ay ku raadinayeen goolasha ciyaarta iyo in ay wax ka badalaan Natiijada.

Juventus ayuu ugu dambayn nasiibku u hor seeday in ay furaan goolasha ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mario Mandzukic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Inter Milan ayaa hurdada ka kacday iyaga oo la wareegay hogaanka si ay dhaliyaan goolka bar-baraha iyaga oo waliba sameeyay fursado goolal ay ka dhalin kareen.

Juventus ayaa dhankeeda ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonaysay in ay ku dhaliyaan goolka 2-aad ciyaartana ku dilaan si ayna Inter U soo laaban.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus sidaas ku gaadhay guul dirqi ah kuna sii dheeraystay hogaanka horyaalka