Jurgen Klopp Oo Sharaxay Sababta Uu U Diiday Inuu Tababare Ka Noqdo Xulka Jarmalka

Jurgen Klopp ayaa iftiimiyay sababta uu uga noqday fursaddii uu ku noqon lahaa tababaraha xulka qaranka Jarmalka sanadkii 2023.

Tababaraha 58-jirka ah wuxuu sheegay in go’aankiisu aanu la xiriirin shaqada lafteeda, balse uu ahaa mid ku saleysan ballanqaadka uu u sameeyay Liverpool iyo xiriirka qotada dheer ee uu la lahaa ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda.

“Xilli ciyaareedkii ka horreeyay Liverpool si fiican uma aysan ciyaarin – xagaagii xigayna, Jarmalka wuxuu raadinayay tababare cusub.

Waxaan oran karay ‘haa,’ sababtoo ah waxaa laga yaabaa inay fiicnayd inaan wax kale sameeyo,” ayuu Klopp yiri, ka dibna wuxuu sharaxay sababta uu uga laabtay fikirkaas.

“Ma aanan rabin. Go’aanku ma ahayn mid ka dhan ah shaqada tababaraha qaranka. Ma aanan awoodin inaan sidaas kaga tago Liverpool.

Liverpool waxaa joogay koox, waxaa joogay dad aan xiriir wanaagsan la lahaa,” ayuu yiri Klopp, isagoo muujinaya in uu doonayay in uu si qurux badan uga tago Anfield oo uu dib u habeeyo kooxda intii uu ku sugnaa.

“Taasi waxay ahayd arrin muhiim ii ah. Waan ku guulaysanay.”

Go’aanka Klopp ee uu ku doortay in uu mudnaanta siiyo mas’uuliyaddiisa Liverpool iyo in uu xiriir wanaagsan ku macsalaameeyo kooxda, waxey muujineysaa xirfaddiisa iyo sida ay ugu go’an tahay daacadnimada kooxaha uu la shaqeeyo.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football