Jurgen Klopp-BowTaasi Waa Sababta Anad Ugu Guulaysan Karin Ee Ay Man City Ugu Guulaysan Doonto Koobka Premier league.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jugen Klopp ayaa eedayn kula kulmay isbadaladii uu shaxdiisa ku sameeyay kulankii Red Star Belgrade ee UEFA Champions League taas oo lagu saleeyay guuldaradii lama filaanka ahayd ee Reds ka soo gaadhay kooxda reer Serbia ee Red Star iyada oo waliba la ogaa qaabkii ay Anfield ugu sii xasuuqday kulankii hore.

Khabiirka Sky Sports ee Paul Merson oo ka hor kulamada kooxaha waa wayn ee Premier league ka falan qaynayay Sky Sports ayaa Jurgen Klopp u sheegay in sababihii uu sameeyay kulankii Red Star ay sabab u noqon doonto in aanu Liverpool kula guulaysan koobka Premier league isla markaana ay Man City ka caawin karto in ay koobka Premier league difaacdaan.

Paul Merson ayaa Klopp ku eedeeyay isbadaladii uu shaxdiisa ku sameeyay iyada oo waliba uu liiska kooxdiisa ka saaray Shaqiri sabab siyaasadeed awgeed wuxuuna sidoo kale kaydka dhigay Roberto Firmino si uu Daniel Sturridge shaxdiisa ugu soo bilaabo kuwaas oo fashilmay.

Paul Merson oo Klopp ku dhaliilaya go’aanadii uu gaadhay kulankii Red Star ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in tababaruhu uu qaldamay. Waxaan filayaa in tababaruhu uu diray fariin uu ku leeyahay: ‘Waanu guulasan karnaa kan, waxaan ku ciyaari karaa ciyaartoy kale’ ku ciyaar kooxdaada ugu fiican, ku ciyaar kooxdaada ugu fiican”.

Pual Merson ayaa Klopp u sheegay in sababta qaladaadka go’aankiisa awgeed ay Man City koobka Premier league ugu guulaysan doonto wuxuuna yidhi: “Tani waa dhibaato isla markaana waa sababta aan markasta u sheego in Man City ay horyaalka ugu guulaysan doonto laab tirooyin”.

Paul Merson oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Qof kasta ayay heerkiisa kaga hooseeyaan martida, waayna dhibtoonaysaa Liverpool. Fogaan ayay Huddersfield ku qaadatay, fogaan ayay Brighton gurigooda ugu qaadatay, waxaana waajib ku ahayd in ay ciyaaraan ilaa daqiiqadii 93 aad,94 aad si ay u soo qabtaan”.

Paul Merson oo Klopp u sheegaya sida uu wax ku heli karo ayaa yidhi: “Kaliya ku ciyaar kooxdaada ugu fiican, kani waa Champions League. Si deg deg ay ayay gabi ahaanba dhibaato ugu jiraan haddii ay iyaga garaacdo PSG isla markaana Napoli ayaa boos fiican ku jirta”.

Pual Merson oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Ku ciyaar kooxdaada ugu fiican. Anigu waan niyadjabsanaa, waan niyadjabsanaa. Waxaan filayaa in mararka qaar uu tababaruhu qaldamo, tan ayuu sameeyaa. Waxaa filayaa in aad sii wado ku ciyaarista kooxdaada ugu fiican, in ku filan ayaad halkan joogtay oo aad hadda ku ogaan karto in ay ku cuni karto”.