Jude Bellingham Oo Daaha Ka Rogay Sida Alonso Ula Dhaqmo Ciyaartoyda

Xiddiga xulka England iyo Real Madrid Jude Bellingham ayaa si weyn u amaanay tababare Xabi Alonso, isagoo si gaar ah diiradda u saaray tamartiisa iyo sida uu ciyaarta ula falgalo inta ay socoto.

Bellingham wuxuu yiri:

“Sida uu u dhaqmo inta ciyaartu socoto – wuu dhaqdhaqaaqayaa, wuu soconayaa, si toos ah ayuu ugu lug leeyahay ciyaarta.

Markaad aragto tababare sidaas ah, si dabiici ah ayey kuu soo jiidanaysaa tamartiisa.”

Wuxuu sidoo kale xusay:

“Wuxuu leeyahay hab fiican oo uu ula hadlo ciyaartoyda. Waxa ugu muhiimsan ee uu igu soo jiito waa sida uu ula dhacsan yahay kubadda cagta iyo tamarta uu geliyo.”

Xabi Alonso, oo xilli ciyaareedkan la wareegay Real Madrid, ayaa durba kasbaday kalsoonida ciyaartoy badan, waxaana muuqata in saameyn togan uu ku yeeshay laacibiinta muhiimka ah sida Bellingham.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football