Jude Bellingham Miyuu Ciyaari Doonaa Mar Kale? War Cusub Oo Cabsi Geliyay Taageerayaasha Real!

Jude Bellingham ayaa muddo hal sano iyo bar ah la dhibtooday dhaawac garabka ah oo aan weli bogsanin. Laacibka reer England ayaa sheegay toddobaadkii hore in uu mari doono qalliin garabka ah marka uu dhammaado xilli ciyaareedka, gaar ahaan kadib Koobka Adduunka ee Naadiyada (Club World Cup).

Warkaasi wuxuu cabsi geliyay taageerayaasha, kuwaas oo ka baqay inuu maqnaan doono inta ka dhiman sanadka 2025. Si kastaba, warbixin ka timid Diario AS ayaa xaqiijinaysa in Bellingham uu kaliya seegi doono saddex bilood oo ka mid ah bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Bellingham wuxuu la ciyaarayay xanuun tan iyo markii uu garabka kala baxay bishii November 2023, isagoo ciyaaray 100 kulan isaga oo xanuunsan muddo dhan 599 maalmood.

Kadib marka la sameeyo qalliinka, laacibka khadka dhexe ee Real Madrid ayaa lagu wadaa inuu si buuxda ugu soo laabto taam ahaanshihiisa biloowga bisha Oktoobar 2025.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football