Juan Mata Oo Soo Bandhigay Erayadii Uu Ku Qanciyay Ashley Young Ka Hor Inta Uusan Laadka Xorta Ka Dhalin Juventus.

Juan Mata ayaa laad xor ah soo taabsiiyay shabaqa Juventus kulankii ay guusha wakhtiga dambe ah ka heleen kooxda difaacaneysa horyaalka talyaaniga, xiddiga reer Spain ayaa badal kusoo galay si uu u rumeeyo riyada ah iney nooleeyaan rajadooda wareega 16-ka.

Goolkaas caaqibada lahaa wuxuu jawaab qurux badan u ahaa kubad uu shabaqa soo taabsiiyay Cristaino Ronaldo,, wax walbana waxey is rogeen wakhtigii dheeriga ahaa markii Alex Sandro uu si lama filaan ah kubad ugu leexiyay shabaqiisa.

Juan Mata wuxuu sharraxay sababta ay ku timid inuu isaga tuuro laadka xorta ah maadaama uu la taagnaa Ashley Young oo isna mararka qaar u tuura kooxda laadadka.

Isagoo la hadlayay TV-ga kooxdiisa ayuu sheegay inuu kalsooni ku qabay laadkaas xorta ah inuu ugu yaraan shabaqa soo taabsiin karo.

“Waxaan u sheegay Ashley: “Fadlan ii ogolow inaan qaato sababtoo ah waan awooday inaan dhaafiyo darbiga” ayuu yiri Juan Mata.

“Waxey aheyd wax u adag goolhayaha sababtoo ah ma uusan arki karin maadaama uu darbiga u dhawaa”

“Waxaan isku dayay waxa aan marar badan ku sameeyay tababarka, waxeyna aheyd muhiim inaan 1-1 ka dhigo kadibna ay noo hogaamiso inaan 2-1 ka dhigno”