Jose Mourinho Oo Lagu Taliyay Hal Arin Oo Ka Caawin Doonta Inuu Hagaago Xiriirka U Dhaxeeya Isaga Iyo Paul Pogba

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa horumarin kara xiriirka kala dhaxeeya Paul Pogba isagoo sii wadaya taageerada uu u muujinayo ciyaaryahanka.

Taasi waa aragtida khabiirka kubada cagta Martin Keown kaasoo arkay Mourinho oo garab taagan xiddiga khadka dhexe intii ay socotay kulankii Champions League ee ay United guusha ka gaartay Juventus bartamihii isbuuca.

Pogba ayaa ahaa mid dhibtoonaya kulankii uu ka horyimid kooxdiisa hore laakiin Mourinho ma uusan bedelin.

Waxa ay arintaan imaaneysaa isbuucyo ka dib markii uu tababaraha reer Portugal kabtanimada ka qaaday Pogba xilli lagu xamanayay inay isku dhacsan yihiin.

Xiddiga reer France ayaa ku rafaaday inuu wacdarro dhigo tan iyo markii uu Manchester United ku soo laabtay sannadii 2016.

Laakiin Keown ayaa aaminsan inuu Pogba najixi doono ilaa iyo Mourinho uu sii wadayo taageerada uu u muujinayo xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka.

“Qaab ciyaareedka Pogba ee kulankii Juventus waxa uu ahaa kiisii ugu xumaa xilli ciyaareedkan” ayuu Keown ku qoray jariirada Daily Mail.

“Ma aheyn mid muuqda kulankii uu ku laabtay Turin, isagoo kubada dhumiyay 18 jeer in ka badan inta uu dhumiyay ciyaaryahan kale.

“Waxaa qasab inuu ku fekerayay goormee ayaad arki doontaa lambarkaaga oo la soo dhejinayo laakiin waxaa muhim aheyd in Mourinho uu taageero u muujiyay.

“Halkii ka bedeli lahaa, Mourinho waxa uu u ogalaaday inuu ku riyaaqo natiijadoodii ugu fiicneyd tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ciyaaraha ka fariistay.

“Haddii uu sidaan u sii taageero, waa hubaal in xiriirkooda uu soo hagaagi doono.

“Haddii Pogba dhinac iska dhigo dib u dhicii yaraa ee soo wajahay oo uu ciyaaro kulanka Axada, waxa uu isku dayi doonaa inuu noqdo xiddiga United guusha u keena si la mid ah markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen City ee Etihad bishii April.”