Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Inter Milan

Tababaraha Fenerbahce, Jose Mourinho, ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya inuu la xiriiray Inter Milan, isagoo ku tilmaamay “been weyn” sheegashadaasi.

Mourinho ayaa si cad u yiri: “Wax xiriir ah ma jiro, waa been.” Hadalkaas ayaa meesha ka saaray saadaalihii sii xoogeysanayay kadib markii Simone Inzaghi uu ka tagay Inter una wareegay horyaalka Sucuudiga.

Mourinho, oo xasuus gaar ah ku leh Inter kadib markii uu kooxdaas kula guuleystay saddexleyda taariikhiga ah (Serie A, Coppa Italia & Champions League) sanadkii 2010, ayaa sheegay inuu si buuxda diiradda u saarayo shaqadiisa haatan ee Fenerbahce. “Dhammaan tamartayda waxay la jirtaa ciyaartoyda aan halkan joogta,” ayuu yiri.

Hadalka Mourinho ayaa imaanaya iyadoo Fenerbahce ay diyaar garow ugu jirto Koobka Adduunka ee Naadiyada oo bilaaban doona 14-ka June 2025. Tababaraha reer Portugal ayaa doonaya inuu jawaab adag siiyo kuwa ka shakisan awooddiisa, kaddib xilli ciyaareed isugu jiray guulo iyo niyad-jab.

Inkasta oo uu xiriir taariikhi ah la leeyahay Inter, Mourinho wuxuu si cad u muujiyay in qorshihiisu haatan yahay Istanbul, halkaas oo uu kooxda Fenerbahce ku hoggaamiyay kaalinta labaad ee Turkish Super Lig.

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football