Jose Mourinho Oo Calaameystay Xiddiga Uu Bisha January Bangiga U Jabin Doono – Jamaahiirta Red Devils Oo Ku Farxay.

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu bisha January sameeyo saxiix qaali ah si uu kooxdiisa awood ugu yeelo, waxaana la fahamsan yahay inuu horyaalka talyaaniga kalluumeeysi u aadi doono si uu Lazio kaga helo Sergej Milinkovic-Savic.

Macalinkaan reer Portugal wuxuu daawasho u tagay kulankii ay habeenimadii khamiista ah ciyaareen labada xul ee Serbia iyo Montanegro, waxaana la fahamsan yahay inuu soo qiimeynayay xiddiga reer Serbia ee ku sugan caasimadda talyaaniga.

Wargeyka The Sun ayaa baahiyay in 23-jirka reer Serbia uu diiwaanka ugu jiro Mourinho, waxaana lagu wadaa inuu jabin doono rikoorka ugu qaalisan saxiixyada Red Devils.

Xiddigaan aadka loo hadal hayo qaabkiisa, waxaa la fahamsan yahay inuu lacag ka badan 100 Malyan oo Yuuro ku imaan doono garoonka Old Trafford maadaama uu bishaan heshiis cusub saxiixay.

Mourinho oo ay saxaafadda xiddigaan la xiriirineysay xagaagii ayaa hadda doonaya inuu caqabadaha kooxdiisa kaga gudbo saxiixiisa, waxaana wakiil u ah Mateja Kezman oo ka mid ah xiddigaha uu waqtigiisii hore Chelsea lasoo saxiixday Jose Mourinho.

Dhanka kalana Milikovic-Savic wuxuu ka dhawaajiyay iney farxad u tahay hadii uu Mourinho daawaday intii uu ku guda jiray waajibaadka qarankiisa.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.