Jose Mourinho Oo Bahdilay Kooxiisa Banaankana Soo Dhigay Sababta Aysan Ugu Tartami Karin Horyaalka Hadda Iyo Wakhtiyada Soo Socda.

Tababare Jose Mourinho ayaa aaminsan in kooxdiisa aysan u tartami karin horyaalka wakhtigaan iyo wakhtiyada soo aadan hadii ay kooxaha Manchester City & Liverpool sii wadaan lacagaha badan oo ay suuqa ku qarash gareynayaan.

Jose oo aan dooneyn inuu isaga tago garoonka Old Trafford ayaa aaminsan iney sugi doonaan inta ay ku adkaan doonto kooxaha ay xifaaltamaan soo iibsashada ciyaartoyda si ay u hamiyaan ku guuleysiga horyaalka ama tartankaba.

Manchester City ayaa wajaheysa cabsi badan kadib markii UEFA ay dacwad kusoo oogtay, waxaana laga yaabaa in ganaax lagu soo rogo dhanka suuqa iyo tartanka horyaalada yurub ah kadib markii ay ku xad-gudbeen xeerka dhaqaale wanaagga.

Wakhtiga uu Pep Guardiola macalinka u yahay kooxda Citizens waxey qarash gareysay adduun dhan 527 Malyan oo Pound, halka United ay qarash gareysay adduun dhan 382.5 Malyan oo Pound, labada macalinna hal jeer ayey wada yimaadeen labada kooxood oo min laba sano iyo bar ayey ku sugan yahiin magaalada Manchester.

Red Devils markii ugu dambeysay oo ay horyaal ku guuleysato waxey aheyd 2013 waxaana markaas leylinayay Sir Alex Ferguson, haatan 18-dhibcood ayey ka dmabeeyaan Citizens iyagoo fadhiya booska 8-aad, waxaana la ciyaaray kaliya 15-kulan.

Mourinho waxaa la weydiiyay inta ay kooxdiisa ku qaadan karto iney horyaalka u tartanto: “Ma garan karo, waxey ku xiran tahay hormarkeena, balse sidoo kale hormarka kuwa kale”

“Hadii kuwa naga sarreeya ay talaabdaas qaadaan, isla markaana hamigooda iyo maalgalintooda ay sii socoto, taasi waa mid”

“Arrinta kale waxey tahay, hadii ay joojiyaan ama xeerka dhaqaale wanaagga ka joojiyo, kadib waa laga yaabaa inaan soo yareyno farqiga oo aan soo fiicnaano”

Si kastaba Mourinho wuxuu dareensan yahay in kooxdiisa aysan fursad heysanin hadii Manchester City iyo Liverpool ay sii wadaan qarash ku bixinta suuqa kala iibsiga, dabcan wuxuu hadalkaan ku durayaa maamulka Red Devils.