John Terry: Chelsea Waxaa Keliya Ka Adag Labadan Kooxood………

Halyeeyga Chelsea, John Terry, ayaa sheegay in labo kooxood oo Premier League ah ay haatan ka xoog badan yihiin Chelsea, xilli kooxda uu tababaraha u yahay Enzo Maresca ay ku dhammeysatay xilli ciyaareedkii 2024/25 kaalinta afraad.

Terry oo ka hadlayay barnaamijka talkSPORT ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in Chelsea ay weli labo sano u jirto tartanka horyaalka Premier League.”

“Si daacad ah haddaan u hadlo, sidaas ayaan rumeysanahay. Ma doonayo in hadalkaasi noqdo cinwaan weyn, balse marka aan eego Manchester City iyo Liverpool, hadda way naga xoog badan yihiin.”

Terry ayaa sidoo kale xusay in Arsenal ay si joogto ah u fiicnaayeen isla markaana ay filayaan inay ciyaartoy cusub soo iibsadaan.

“Taasi waa sababta aan u leenahay in helitaanka Champions League-ka xilli ciyaareedka dambe uu muhiim yahay, si aan u helno ciyaartoy waayo-arag ah oo kooxda caawin kara.”

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan ku dhameysatay kaalinta afraad, taas oo u xaqiijisay ka qaybgalka Champions League-ka xilli ciyaareedka 2025/26.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football