Joao Pedro ayaa dalbanaya in loo damaanad qaado boos joogto ah oo safka hore ah haddii uu ku biiro Chelsea, taasoo caqabad weyn ku noqotay qorshaha kooxda ee laacibka Brighton.
Chelsea ayaa xiisaynaysa weeraryahanka reer Brazil oo 23 jir ah, balse wararka ayaa sheegaya in Pedro uusan doonayn inuu ku biiro koox aanu si joogto ah ugu ciyaari doonin.
Haddii uu yimaado Chelsea, Pedro wuxuu la kulmi karaa tartan xooggan oo kaga imaanaya Nicolas Jackson iyo xiddiga dhowaan la saxiixday ee Liam Delap, kaasoo durbadiiba saameyn muuqata ka sameeyay Club World Cup isagoo si dhab ah ula qabsaday qaab ciyaareedka Enzo Maresca.
Delap, oo Chelsea ugu soo biiray lacag ka yar tan Brighton ku doonayso Pedro (qiyaastii £60 milyan), ayaa dhaliyay 12 gool halka Pedro uu leeyahay 10 gool oo Premier League ah. Delap ayaa sidoo kale ku wanaagsan gool caawinta, taasoo ka dhigeysa inuu nooqdo doorasho qiimo badan.
Shuruudaha Joao Pedro waxay cadaadis saareen Chelsea, maadaama ay adkaan doonto in la siiyo damaanad ciyaar joogto ah marka la eego tartanka gudaha kooxda.
Newcastle United, oo iyana la sheegay inay xiiseynayso Pedro, waxay la kulmaysaa caqabad la mid ah taas sababo la xiriira joogitaanka Alexander Isak, oo ah weeraryahanka koowaad ee kooxda.