Joao Cancelo: ” Vinicius Waa Mucjiso Aan La Celin Karin”

Joao Cancelo: “Vini waa ciyaaryahan si xad dhaaf ah u degdeg badan, waana mid aan la saadaalin karin”

Joao Cancelo ayaa ka hadlay kulankii Real Madrid iyo Al Hilal ee barbaraha 1-1 ku dhammaaday koobka FIFA Club World Cup, isagoo si gaar ah u amaanay Vinicius Junior, kaasoo uu wajahay intii lagu guda jiray ciyaarta.

Markii la weydiiyay dareenkiisa ku aaddan weeraryahanka Madrid, Cancelo wuxuu yiri:

“Vini Jr? Waa mid si adag u ciyaaro.”

Cancelo ayaa si cad u muujiyay caqabadaha uu la kulmay isagoo difaacaya Vinicius, wuxuuna ku sifeeyay:

“Waa mid aad u degdeg badan oo aan la saadaalin karin.”

Isagoo hadalkiisa soo afmeeraya, Cancelo wuxuu carrabka ku adkeeyay qiimaha ay leeyahay in lala ciyaaro xiddigo heerka sare ah:

“Mar walba waa sharaf inaad la ciyaarto ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football